Mareykanka oo ballan-qaad cusub u sameeyey DF

Muqdisho ( Caasimada Online) –  Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyada oo ballan qaad horleh u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya.

Waaxda cadaalada Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay Soomaaliya ka caawineyso nidaamka Garsoorka, si loo helo garsoor’ si u hufan ugu shaqeeyo dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in sare loo qaado adeegga garsoorka ee dalka, maadaama aysan shacabka Soomaaliyeed waqti dheer helin garsoor iyo cadaalad la’isku haleen karo.

Mareykanka wuxuu ka caawinayaa Soomaaliya in ay ka dhigto nidaamkeeda garsoor mid wax ku ool ah oo loogu adeego shacabka Soomaaliyeed oo waqti dheer aan helin garsoor la isku halayn karo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay waaxda cadaaladda ee wadanka Mareykanka.

Sidoo kale waaxda cadaalada Mareykanka ayaa tilmaamtay inay xooga saari doonto sidii loo mideyn lahaa dhammaan hay’adaha garsoorka dalka, gaar ahaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya.

“Sidii loo mideyn lahaa ku dhaqanka shuruucda ee hay’addaha garsoorka hoostaga Dowladda Faderaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka”, ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Si kastaba Mareykanka ayaa horey Soomaaliya uga taageerayey dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo sidoo kale ammaanka  dalka.