CC Sharmaake oo ROOBLE usoo jeediyey talo la xiriirta taliyeyaasha ciidamada DF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke horeyna usoo noqday Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sida uu Ra’isul wasaare Rooble ugu guuleysan karo inuu dalka ka qabto doorasho xalaal ah laguna wada qanacsan yahay.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in guul uu Rooble ka gaaro doorashada dalka ay ku xiran tahay in marka hore dib u habeyn lagu sameeyo madaxda Hay’adaha Amniga Waddanka maadaama uu shaki soo kala dhex galay Saraakiisha iyo Taliyeyaashaa Ciidamada kadib dagaalki ka dhacay Muqdisho.

Sharma’arke oo ka tirsan Aqalka Sare waligiisna aan kasoo qeyb gelin kulamadii uu afartii sano ee lasoo dhaafay yeeshay golaha u ka midka yahay ayaa xusay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u baahan yahay jawi xasiloon si uu ugu guuleysto waajibaadka culus ee loo igmaday.

“Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Ciidamada Amniga ayaa wiiqi karta wadahadallada socda ee doorashada. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu mudan yahay jawi deggan si uu ugu guuleysto wadaxaajoodyadda loona maareeyo geeddisocodka doorashooyinka. Xaaladdaan ayaa si deg deg ah loogu baahan yahay dib u habeyn hoggaanka hay’adaha amniga ah si loo mideeyo loona tayeeyo ciidamada,” ayuu  yiri Sharmaake oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa rumeysan in Rooble uusan wali u madax-banaaneyn go’aanadda qaar, waxaana ay ku booriyeen in si loo uu u helo kalsooni buuxda uu u baahan yahay isbedel uu ku sameeyay hay’adaha ammaanka oo ku milmay siyaasada.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in uu hogaamiyo geedi-socodka doorashooyinka iyo qorshaha guud ee ammaanka qaranka inkastoo arrintaas laga muujiyey shaki.

Weli waxaa shaqeyn la’ amarkii Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ahaa in ciidamada ay ka baxaan Muqdisho kuna laabtaan xeryahooda, waxayna weli labada dhinac isku hor fadhiyaan goobihii ay horey ugu dagaalameyn inkastoo magaalada Muqdisho ay dagan tahay maalmihii ugu dambeeyey.