Xog: Saraakiisha ciidamadii diiday muddo kororsiga oo go’aano cusub soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran ee ka dhashay muddo kororsigii dowladda ayaa shalay ku shiray magaalada Muqdisho waxayna soo saareen dhowr qodob oo muhiim, sida aan xogta ku helnay

Saraakiisha oo ay ka mid yihiin Indha-Cadde, Saney Cabdulle, Saadaq John, Cabdimaalik Ismaaciil iyo Cusmaan Xaadoole ayaa isku raacay in la dhowro amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay kaga sugan yihiin lana xaqiijiyo inaysan ka dhicin xabad, iyo wax kasta oo shacabka dhibaato u gaysan kara.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April. 

Saraakiisha ayaa sheegay in caqliga saliimka ah uu diidayo in ciidamada militariga ee sharciga ilaalinaya dib loo hoos geeyo taliyayaal ay dagaalameen oo ay cadaawad kala dhaxeyso, kuwaas oo dib u beegsan kara.

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

“Waxaa tan lagu ogaan karaa in Rooble uu beddelo taliyayaasha ku lugta lahaa dagaalka iyo in kale,” ayaa laga soo xigtay xubno ka tirsan saraakiisha oo shirka ku qeyb galay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaan weli qaadin wax tallaabo ah oo muujinaya inuu yahay mas’uul ka madax banaan Farmaajo, oo dhex-dhexaad ka ah arrimaha la isku hayo, wuxuuna ka aamusan yahay aargudasho durba lagu billaabay ciidamadii ka horyimid muddo kororsiga

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay amartay in laga joojiyo mushaarka ay qaataan ciidamadii iyo saraakiishii ka midka noqday ciidamada diidan muddo kororsiga, islamarkaana ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Xogta aan helnay ayaa tilaameysa in amar ka soo baxay Madaxweynaha lagu joojiyay lacagaha ay qaataan ciidanka iyo saraakiisha diidan muddo kororsiga, waxaana sababta lagu sheegay in ay ku biireen mucaaradka. Waxaa sidoo kale la amray in saraakiishan iyo ciidanka laga saaro ciidamada, lana ruqseeyo.