Taliye Xijaar oo soo saaray amar ku socda ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo saaray amar ku socda ciidanka oo muuqda in lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyadooda iyo howlaha ay qaban karaan.

Taliyaha ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah xaqiijinta amniga muwaadiniinta iyo hantidooda, si fiicanna ay ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo Xijaar uusan si gaar ah u shaacin sababta keentay amarkan cusub, haddana dad xog ogaal ah oo ka tirsan booliska ayaa laga soo xigtay in ujeedka amarkan uu yahay in laga ilaaliyo in ciidanka ay ku milmaan siyaasadda.

Ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Haramcad, ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro ka dhan ah musharaxiinta mucaaradka iyo dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, ma cadda saameynta hadalka Xijaar uu ku yeelan karo ciidankan, sababtoo ah, inkasta oo ciidankan ay hoos tagaan booliska, haddana waxaa si toos ah looga amraa madaxtooyada, oo ay fuliyaan amarrada kasoo baxa, ayada oo badankood loo adeegsado ujeedooyin siyaasadeed.

Xubno ku dhow mucaaradka ayaa iyagana aaminsan in amarkan uu yahay ruwaayad siyaasadeed oo saraakiisha ciidanka ay isugu muujinayaan in ciidanka laga reebayo howlo siyaasadeed, si ciidamadii ka dhashay diidmada muddo kororsiga ee ku sugan Muqdisho loogu cadaadiyo inay ka baxaan.

Sababta ay ku sheegeen in amarkan uusan marnaba iman xilligii ay ciidankan ku lug lahaayeen dagaalladii toddobaad kahor ka dhacay Muqdisho ee ka dhashay weeraro lagu qaaday musharaxiin madaxweyne.Â