Muxuu Amiirka dalka Qatar xalay kala hadlay Farmaajo?

Doha (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa xalay khadka taleefonka wada-hadal kula yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomalaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Qatar ee QNA.

“Intii uu socday wicitaanka, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah iyo hababka sare loogu qaadi karo looguna hormarin karo, waxaa taas dheer inay ka wada-hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka QNA.

Wakaaladda wararka Qatar ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada.

Wada-hadallada ayaa imanaya ayada oo uu magaalada Muqdisho ku sugan yahay ergey gaar ah oo ka socda dowladda Qatar oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani kaasi oo la sheegay inuu dhex-dhexaadinayo dhinacyada Soomaalida.

Al-Qahtani ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Rooble, guddoonka labada aqal ee baarlamanka, madaxweyne goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, hase yeeshee waxaa yaab leh inuusan weli la kulmin Farmaajo.

Ujeedka ergeygan ayaa laga bixiyey fasiraado kala duwan. Taxliiliyayaasha qaar ayaa rumeysan inuu isku dayayo inuu wiiqo oo uu kala qeybiyo mucaaradka dowladda, halka qaar ay qabaan in soo diristiisa ay astaan u tahay in Qatar iyo Farmaajo ay sii kala fogaanayaan, islamarkaana Doha ay isku dayeyso inay saaxiibo cusub ku yeelato Soomaaliya.