Afar askari oo Kenyan ah ‘oo lagu dilay’ Jubbada Hoose

Kismaayo ( Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurka Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Kaambooni iyo Buur-Gaabo oo ka wada tirsan gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku  billowday qarax, islamarkaana uu xigay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarka ay qaadeen dagaalyahanadeeda ayaa sheegtay inay ku dishay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkaas ay ku gubeèn gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay weli ku xoogan tahay.