Ergeyga ay soo dirtay Qatar oo la kulmay Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa qaabilay ergeyga ka socda dowladda Qatar, Dr Mutlaq al-Qahtani, kaas oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo kor u qaadida taageerada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya 2021-ka.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka caawiso dhinacyo dhowr ah.

Dr Mutlaq al-Qahtani oo maalmhan ku sugnaa Muqdisho ayaa horey ula kulmay madaxda sare dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada dalka.

Si kastaba kulaman ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah, islamarkaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad adag oo ka dhalatay is mariwaaga ka taagan doorashada 2021-ka.