Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay wasiir cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, xilkaasi oo uu hore iskaga diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Wasiirka cusub, ayaa waxa uu hore usoo noqday Wasiirkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, sidoo kalena waxa uu noqday Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa haawaneysa tan iyo markii uu Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo soo badalay uu ku gacan seyray booskaas, kadib markii ay arrin hor leh isku khilaafeen Oomaar iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

Caasimada Online oo dabagal ku sameysay sababta ka dambeysay xil wareejintii lagu sameeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ogaatay inay arrintaas timid kadib markii uu Farmaajo ku amray Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Sida ay xiligaas xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.

Khikaafkaas oo xiligaas taagna ayaa Wasiir Oomaar wuxuu u dhoofay dalka Sacuudi Carabiya arrimo dhanka qoyskiisa ah, waxaana maalmo kadib soo baxday in xilkii laga wareejiyey, loona beddelay xil kale, kaasi oo uu iska diiday.