Maxay kulankii caawa uga wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Cumar Filish? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ahna guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay mudo kororsiga ee ka taagan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal uu kulankaas ka baahiyey maamulka gobolka ayaa lagu yiri, “Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada muqdisho Mundane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa lakulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Sheikh Axmed iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday Arrimaha doorashooyinka Dalka.”

Tan iyo markii degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ay isku fara saareen ciidamo kala taabacsan mucaaradka oo ka soo korjeeda mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka iyo kuwa difaacaya madaxda waqtigu ka dhamaaday, waxaa bilaawday kulamo xal loogu raadinayo raadadka ay reebeen rabshadihii dhacay.

Inta badan dadaallada xal raadinta ah mudooyinkii dambe waxaa waday xukuumadda, hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inuu ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir, oo horay mas’uuliyiinta ugu sareysa ay mucaaradka weerarro afka ah ugu qaadeen.

Guddoomiye Cumar Filish iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga Cali Yare ayaa dhowr mar hadallo xanaf leh ku tuuray mucaaradka, iyagoo ku raali gelinaya Farmaajo, balse hadda waxay u muuqataa inay fahmeen xaqiiqada, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan xal u raadinta xiisadda todobaadyadaan ka taageyd magaaladaan ay masuulka ka yihiin ee Muqdisho.

Degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Cabdicasiis iyo Yaaqshiid ayey ciidamada ka soo hor jeestay mudo kororsiga ee Badbaado Qaran difaacyo ka sameysteen, iyagoo ku goodiyey in aysan ku laaban doonin xeryahoodii ilaa Farmaajo uu ka wareejinayo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.