Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta saraakiil Mareykan ah kula kulmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay sarakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Soomaaliya, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo, waxaana Madaxweyne Axmed Madoobe ku wehliyay laba sarkaal oo kala ah S/Guuto Maxamed Cabdi Sheekh oo ah Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland iyo ku xigeenkiisa G/Sare Maxamed Guuleed Xasan.

“Kulankaan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM qeybtiisa Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka geysta deegaanada Jubbaland oo kooxdu ay ku xoogantahay.

Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya kala baxday inta badan ciidamadii ka joogay, balse waxay horay u shaacisay in aysan joogsa doonin duqeymaha iyo weerarrada ay ku beegsaneyso ururka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada xoogga Soomaaliya.