Mareykanka oo beddelay mowqifkiisa ku aadanaa deegameynta Yahuuda ay ka wadaan Daanta Galbeed

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beddeshay siyaasaddeedii ku aadaneyd deegaameynta Israel ay ka waddo dhulka Daanta Gaalbeed ee ay ka haysato Falastiiniyiinta, waxaana ay sheegtay in deegaameyntaas aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in maqaamka Daanta Galbeed uu yahay mid u yaalla in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay ka doodaan.

Deegaameynta Daanta Galbeed ayaa ah kuwa ay Israel wadday tan iyo sanaddii 1967-kii markaas oo ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe.

Waxay muddo ahaayeen isha muranka Israel, beesha caalamka, iyo Faalastiiniyiinta.

“Kadib markii aan muddo darasnay dhammaan dhinacyada muranka sharciga. Dowladda Mareykenka waxay go’aansatay in aas-aaska deegaanadda rayidka Israel ee Daanta Galbeed aysan ka hor-imaneyn xeerarka caalamiga ah,” ayuu Pompeo u sheegay weriyayaasha.

“In deegaanadaas loogu yeero kuwa aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah ma shaqeyn, sarena uma aysan qaadin nabad raadintii.” Ayuu sii raaciyey.

Warka kasoo baxay Pompeo ayaa beddelaya siyaasad soo jirtay muddo 40 sano ah oo Mareykanka uu ku aaminsanaa in deegaameyntaas ay yihiin sharci-darro.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyey go’aanka dowladda Mareykanka, isaga oo sheegay in is-beddelka siyaasadeed ee Mareykanka uu saxayo “qalad taariikhi ah.”

Dhinaca kale, wada-xaajoodaha sare ee Falastiin Saeb Erekat ayaa go’aanka Mareykanka ku qeexay mid halis ku ah “xasiloonida, nabadda iyo ammaanka caalamka,” islamarkaana uu sharciga caalamiga ah ku beddelayo “sharciga hawdka.”

Xog Xasaasi ah oo ku saabsan kulan hordhac u ah midka Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo Xalay dhacay