Guddoomiyihii hore ee DIINSOOR oo is dhiibay

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay, Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow) ayaa lagu soo warramayaa inuu isku dhiibay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii uu shalay la dagaalamay ciidamada daraawiishta maamulkaasi iyo kuwa dowladda Itooobiya.

Wararka ayaa sheegaya in xal laga gaaray khilaafkii dhinac maamulka ee ka taagnaa degmadaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka.

Guddoomiyaha iyo ciidamadii uu watay ayaa isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed, isagoona ugu dambeyn aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub.

Xiisadan ayaa sababtay dagaal shalay ka dhacay degmada Diinsoor, kaas oo ay ku dhinteen illaa 7 qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo la qabto munaasabadda xil wareejinta ee maamulka cusub ee magaaladaasi.

Maalmihii dambe Diinsoor xaaladeedu waxa ay aheyd mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaq magaaladaasi sameeyey xiisada dhexeysan maamulka cusub iyo guddoomiyihii hore ee degmada, Ibraahim Shikh-Shigow oo ka horyimid xilka qaadistii lagu sameeyey.