Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo dilay madax kastamka maaliyadda ee…

Afgooye (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku toogtay madaxii Kastamka Maaliyadda ee maamulka degmada Afgooye .

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur (Nuur Xawaad) walina ma cadda ciidanka uu ka tirsanaa askariga toogtay iyo sababta uu u dilay, balse masuul horay uga tirsanaa jiray maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay uu ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee guddomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Najax.

Dilka madaxii Kastamka maaliyadda maamulka degmada Afgooye ayaa ka dhacay Bar koontorool oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye, gaar ahaan halka loo yaqaanno Baar-Ismaaciil.

Int a la ogyahay waa dilkii labaad oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana isla xalay magaalada lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed, walina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed.