Khilaaf hareeyey safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya

Safaaradda Soomaaliya ee Naiorbi ayaa waxaa ka taagan khilaaf xoogan oo u dhaxeeya xoghayaha safaarada Xabiib Maxamed Cigaal iyo safiir ku-xigeenka ahna qunsulka Danjire Aways Amiin Sheekh, taasi oo saamayn xoogan ku yeelatay howlaha safaarada.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii xoghaye Xabiib uu marar badan ku hadlay magaca safiir ku-xigeenka iyo qunsulka safaarada Soomaaliya ee Kenya, oo uusan lahayn cinwaan ahaan darajadaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah howl-wadeenada safaaradda.

Xabiib  ayaa ka mid ahaa gacan yarayaasha Maxamed C/llaahi Farmaajo xiligii uu abaabulka xoogan ka waday Farmaajo dalka Kenya, 2015-ilaa 2016,  inta uusan noqon madaxweynaha Soomaaliya, markii la magacaabay Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka mid noqday howlwadeenada Villa Somalia.

Hase yeeshee khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo agaasimaha Villa Somalia ayaa sababtay loo soo magacaabo safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Inta badan khilaafka Xabiib iyo danjire Aweys ayaa salka ku haya awoodda, ayada oo Aweys uu dareemayo in Xabiib uu shaqadiisa uu faraha kula jiro.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaan weli soo faro-gelin khilaafkan si uu xaliyo.

Dhinaca kale waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in la baddalayo Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee kenya danjire Aways, loona badali doono usbuucyada soo socda dalka Ciraq.

Haddii taas ay dhacdo waxay ka dhigan tahay in loolanka labada dhinac uu ku adkaaday Xabiib. Waxaana lagu warramayaa inuu adeegsaday saameyntiisa iyo ku dhowaanhihiisa madaxweyne Farmaajo.

W/Q: Wariyeena Magaalada Nairobi
Cabdixakiin Cilmi  Xasan