Maxkamada sare oo diiday doodii qareenka dowladda – Sidee maanta u dhacday dacwaddii Himilo Qaran?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad uu Xisbiga Himilo Qaran ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ka gudbiyey hay’adda duulimaadyada rayidka Soomaaliya.

Dacwadan ayaa ku saabsan is-hortaag lagu sameeyey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo doonayey inuu ka duulo garoonka diyaaradaha Aadana Cadde, isaga oo ku wajahan magaalada Kismaayo.

Maxkamadda ayaa ku billaabatay diidmo qareenada dowladda ay ku doonayeen inay meesha uga saaraan in gebi ahaanba kiiska la guda galo, islamarkaana xukuumadda looga leexiyo dacwadda.

Kiiska maanta ayaa ku saabsanaa su’aal ah “maxkamadda sare ma qaaadi kartaa dacwaddan mise ma qaadi karto?”, waxaana doodda ugu weyn ee qareenka dowladda ay ahayd in maxkamadda aysan sharci u lahayn inay dacwaddan qaado maadaama aysan ahayn dacwad maamul.

Qareenka dowladda waxa uu sheegay in Xisbiga Himilo Qaran uu ka dacwooday in xuquuqda muwaadinka lagu tuntay, taasi oo dacwadda ka dhigeysa mid dastuuri ah, sidaas darteedna aysan maxkamadda sare qaadi karin maadaama aysan ahayn dastuuri.

Qareenka dowladda ayaa sidoo kale ku dooday in madaxa qareenada Xisbiga Himilo uu yahay shaqaale dowladeed oo aanu geli karin kiis ka dhan ah dowladda.

Dhinaca kale, qareenka Xisbiga Himilo ayaa ku dooday in qaraarka ka soo baxay hay’adda duulimaadyada rayidka ah uu yahay mid maamul oo saameyn ku yeeshay muwaadiniin Soomaaliyeed, isla markaana dhaliyey dhibaatooyin waaweyn oo lagu tuntay xuquuqdii dadka iyo sharciyadii socdaalka.

Waxaa guuleystay dooddii qareenka xisbiga Himilo Qaran, ayada oo maxkamadduu ay go’aamisay in dacwaddu tahay mid maamul, islamarkaana uu jiro qaraar maamul oo laga dacwoon karo, ayada ay maxkamadda diiday is-hortaagii qareenka dowladda, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa aqbashay mid ka mid ah doodihii qareenka dowladda, waxayna go’aamisay in madaxii qareenada Xisbiga Himilo laga saaro kiiska difaaca qareenada, maadama uu noqday shaqaale dowladeed.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in kiiska dib loo dhigo muddo shan maamlmood ah, taasi oo ah codsi ka yimid qareenada Xisbiga Himilo Qaran, si ay usoo dhameystiraan qareenadooda.

caasimada@live.com