Guddiga doorashooyinka BF ee ku kulansan Jabuuti oo ka shaqeynaya muddo kororsi

Carta (Caasimada Online) – Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa wax ku kulansan guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo diyaarinaya sharcigii dalka uu doroasho ku geli lahaa ka hor inta aysan dhammaan muddo xileedka baarlamanka iyo xukuumadda hadda jira.

Guddigan ayaa dib u eegaya islamarkaana doonaya inay wax ka beddelaan sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019.

Sida aan xogta ku helnay, inkasta oo howsha guddiga ay si wanaagsan u socoto, haddana waxaa aad la isugu hayaa qodobka 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran.

Inta badan xildhibaanadda guddiga ayaa u ololeynaya in la ansixiyo qodobkan oo waxyar laga beddelay, islamarkaana baarlamanka hadda jiro muddada loo kordhiyo.

Xubno ka mid ah guddiga, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in xildhibaanada ay doonayaan in ayaga ay waqtiga kororsadaan balse lasoo doorto madaxweynaha oo aan waqtiga loo kordhin.

Haddii xildhibaanada ansixiyaan qodob ayaga u ogolaanaya inay muddo kororsi sameystaan, waxay taas caddeyn u noqon kartaa in ka shaqeynayaan dantooda, balse aysan ilaalineyn nidaamka dalka, waxaana tallaabadaas ka dhallan kara halis xooggan.

Waxaa sidoo kale yaab leh in xildhibaanada guddiga ay ka shaqeynayaan muddo korosi xilli ay soo xulista xildhibaanada baarlamanka cusub ay ka harsan tahay muddo sanad ah, islamarkaana aysna jirin wax sabab ah oo hortaagan in sidaas la sameeyo, oo qasbaya muddo kororsi.

caasimada@live.com