Taliyaha booliska oo usii hanjabay Cirro iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa si adag ugu hanjabay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, oo uu sheegay in uu nabad galyada khal-khal galinayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa dhamaanba dafiray in ciidamadiisu ay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Waddani iyo Taageerayaashiisa, xili ay saaka ka hor istaageen in ay galaan xarunta xisbiga Waddani, isagoona sheegay in ilaalada Ciro ay dhaawaceen Sarkaal ka tirsan ciidanka.

Taliyaha ayaa sheegay in xukuumadu ay talaabo adag ka qaadi doonto dadka hor kacaya banaanbaxyada uu ku baaqay Guddoomiye Cirro, wuxuuna xusay in wixii dhiba ee ka dhacana uu Mas’uul ka yahay Guddoomiye Cirro.

Waxa sidoo kale uu Taliyuhu ka hadlay xariga Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay xalay xabsiga u taxaabeen.

Taliye Saqadhi ayaa sheegay inay Mas’uuliyiintaasi aysan wax xasaanad ah ay laheyn, maadama ay wadeen abaabul iyo kharbudaad bilaa sharci ah, isla markaana xarigooga ku sheegay mid loo maray sifo sharci ah.

Waxa kale oo uu Taliyuhu digniin adag u diray cidkasta oo howlahaasi ku foogani ay ciidamadu gacanta ku soo dhigi doonan, maadama uu sheegay inay nabad galyada khal-khal galinayaan.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in Guddoomiye Ciro ay la tiigsan doonan waxkasta oo uu sharcigu ka qabo banaanbaxyada uu ugu baaqay inay dhigaan taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolada Somaliland.

Caasimada@live.com