Wasiirka Amniga Puntland oo lagu rasaaseeyey CARMO

Carmo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta la rasaaseeyey kolonyo uu la socday wasiirka amniga maamulka Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan, xilli uu ku socdaalayey degmada Carmo ee gobolka Bari.

Sida aan xogta ku helnay gaadiidka uu la socday wasiir Galan ayaa waxaa rasaaseeyey ciidankii dhowaan xooga ku galay magaalada Boosaaso, kuwaas oo hadda ku sugan Carmo, islamarkaana uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada wasiirka iyo ciidamadaasi uu dhexmaray dagaal kooban, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay, kaas oo aan weli la xaqiijin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay kala dhaxgaleen waxgarad uu hoggaaminayey Beel-Daaje Maxamed Beel-Daaje Ismaaciil, islamarkaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan, walow xaaladdu ay weli tahay mid kacsan.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan iska hor imaadkaasi oo halista ku galay, wasiir Cabdisamad Maxamed Galan.

Gobolka Bari waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo u dhexeeyey Puntland iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo ku xoogan gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com