Taliye lagu dhaawacay DAGAAL maanta ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka oo muddo socday ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamay xaafadda Bunbacoole ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa israsaaseyntan ku dhintay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, Cali Culusow.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil Boolis ah oo kala dhex galay labada ciidan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa Bunbacoole degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Inta badan askarta Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ku dagaalama Caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa rayid aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com