COSOBLE oo shaaca ka qaaday arrin uu Farmaajo ‘ka dalbaday’ Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha madasha xisbiyada Qaran oo u warramayey TV-ga Soomaali Cable ayaa ka hadlay qorshe la doonayo inay ku wadahadlaan hoggaanka madashaasi iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabduqaadir Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xiriir toos ah la soo sameeyey, Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran, isagoona ka dalbaday in wadahadal lagu dhammeeyo xiisada u dhexeysa labada dhinac.

Sidoo kale Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu aqbalay soo jeedintaasi, islamarkaana uu u sheegay inay madashu diyaar u tahay wadahadalkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madasha xisbiyadu aysan dooneyn kaliya in Sawir la wada galo, basle ay uga fadhiyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wax cad oo ay ka yiraadaan diyaaraddii ay la socdeen ee lagu qalgal galiyey hawada Beledweyne.

“Marka lala fariisto ma rabno oo kaliya in Sawir la qaato oo la yiraahdo Madaxweynihii ayaa la kulmay kaliya ee la iska tago, ee waxaan rabnaa Madaxweynaha inuu soo saaro dhibka uu noo geystay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihiisa diyaaradeenii oo socoto isku dayga dilka ahaa inuu wax ka yiraahdo oo uu dhaho sidaan iyo sidaanee wax u dhaceen ama uu Raali gelin ka bixiyo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali Cable.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin oo Ergo ahaan loo soo diray uu la kulmay, Sheekh Shariif, iyagoo kala hadlay xiisada taagan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayey xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac, kadib safarkii halista lagu galiyey Madaxweynayaashii hore ee magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com