Cabdiraxmaan Cirro oo la rasaaseeyey iyo rabshado ka dhacay Hargeysa + Sawiro

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar hadda naga soo gaaraya Xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in ciidamadii xalay la soo dhoobay xarunta ay is hor taageen Guddoomiye Ciro iyo Mas’uuliyiinta xisbiga oo xarunta gali rabay.

Ciidamada ayaa si weyn isku hor taagay Guddoomiye Ciro iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta xisbiga oo ay wehlinayaan Taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolka Maroodi-jeex oo iyagu maanta u balansanaa banaanbax inay ka dhigaan xaruntaasi.

Ciidamada ayaa rasaas nool ku riday Guddoomiyaha iyo xubnihii la socday, si ay uga hor istaagan galida Xaruntooda Waddani, kadib markii uu si xoog ah ku gali rabay xarunta xisbiga Guddoomiye Cirro.

Wararka ayaa intaasi waxay ku sii darayaan in rasaasta ay ku fureen Guddoomiyaha ciidamadu inuu ku dhaawacmay hal ruux, inkastoo si rasmiya loo ogeyn khasaaraha ka dhashay rasaastaasi meel deyga laheyn ee ay fureen ciidamadu.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay gudaha u galaan xaruntooda kadib iska hor imaad irida hore ee xarunta xisbiga ku dhex maraya ciidamada Booliska oo iyagu ka soo horjeeda banaanbax ay maanta u balansanaayeen.

Ciro ayaa khudbad u jeediyay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Waddani oo iskugu yimid xarunta xisbiga, isagoona ugu baaqay inay nabad-gelyada ay ilaaliyaan, iyagoona aqbaleyn ku tumashada sharciga.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in rasaas ku fureen ciidamo faro badan oo xarunta xisbiga la dul dhigay, xili uu rabay in uu gudaha u soo galo xarunta xisbiga Waddani.

Ciro ayaa waxa uu sheegay in uu ka walaacsan-yahay xaalka Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay xalay xabsiga u taxaabeen.

Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labadaasi Mas’uul loo wareejiyay jeelka weyn ee Mandheera, midaasi oo uu ku sheegay xadgudub aanu sharcigu ogoleyn, isagoona carabka ku adkeeyay in xoriyadooda dib loogu soo celiyo Mas’uuliyiintaasi.

Ciro ayaa sii xoojiyay banaanbixii uu shalay ku baaqay, isagoona dhamaan xafiisyada gobolada Somaliland ee xisbiga Waddani ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan taageerayaasha xisbiga Waddani, si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah xukuumada Biixi.

“Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayaga gudano oo aan xafiiskaygii tago” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin”

“Xaq waxaanu u leenahay inaanu isku nimaadno oo xafiisyada ku shirno maanta oo kaliya maaha ee maalin walba waanu imanayna, shanta gobol ee kale ha iskugu soo baxaan”.