Dibadbaxyo ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi oo ka billaabmay BURCO

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aynu hadda ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in mudaharaadyo hor leh ka bilaabmeen magaaladaasi, kuwaas oo ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Taageerayaasha Wadani ee Burco ayaa la sheegayaa in ay iskugu soo baxeen gudaha magaalada, iyagoo raacaya hadalkii guddoomiye Cirro ee uu shanta gobol ee Somaliland ugu baaqay in taageerayaasha xisbigiisu ay ka dhigaan banaanbaxyo.

Dibadbaxyadaasi uu ku baaqay Cirro ayaa waxa looga soo horjeedaa hanaanka maamul ee xukuumadda, iyadoona ay daba socdaan xiisadii muran ee ka taagneyd xubnaha guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland.

Ciidamada Booliska ee maamulkaasi ayaa markiiba bilaabay howlgallo ay ku kala dareerinayaan taageerayaasha xisbiga ee gudaha magaalada Burco ka dhigayay banaanbaxa ka dhanka ah xukuumadda Biixi.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa sidoo kale waxa lagu arkayey isagoo gaaf wareegaya goobaha ay iskugu soo baxeen taageerayasha xisbiga Wadani, kaasi oo qeyb ka ah kala dareerinta dadkaasi.

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si weyn uga soo horjeeda banaanbaxyada uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga Wadani, taasi oo xiisad xoogan ka dhex abuurtay taageerayaasha xisbiga iyo Xukuumada Somaliland.

Xiisadan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii saaka ay ciidamada Booliska ee lagu hareereyay xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Hargeysa ay rasaas ku rideen guddoomiye Cirro iyo taageerayaal la socday, midaasi oo ay kaga hor istaagayeen galida xaruntooda.

Cirro ayaa isaguna sii xoojiyay banaanbixii uu shalay ku baaqay, wuxuuna dhamaan xafiisyada gobolada Somaliland ee Wadani ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan taageerayaasha xisbiga, si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah xukuumadda.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com