28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Mareykanka oo beeniyay war laga faafiyay safarka Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in ay soo saartay digniin amni oo la xiriirta safarka madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku tagay magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu caddeeyay in aanay jirin wax digniin amni ah oo ay ka soo saartay booqashada Laascaanood, iyadoo wararka la faafiyay lagu tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada inay ku kadsoomin wararka aan laga helin boggeeda rasmiga ah iyo akoonnadeeda baraha bulshada, si loo helo xog sax ah oo la hubiyay.

“Waxaan ku boorrinaynaa in lagu kalsoonaado oo keliya macluumaadka ka soo baxa website-keena rasmiga ah iyo boggaga aan ku leenahay baraha bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Beenintan ayaa timid kaddib markii maalintii shalay baraha bulshada si weyn loogu faafiyay warar sheegaya in Mareykanku digniin amni ka soo saaray safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli wafuud kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sii qulqulayeen magaalada Laascaanood, si ay uga qayb galaan munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Cali (Firdhiye).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah tegi doona magaalada Laascaanood, halkaasi oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan doonaya in beesha caalamka uu Laascaanood uga diro farriin ku aaddan in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee ay Somaliland sheegato, xilli ay midnimada dalka duulaan qaawan kusoo qaaday Israa’iil.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

- Advertisement -

Read more

Local News