25.8 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

Mareykanka oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan magacaabida Golaha Wasiirada Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow kasoo baxday Dowladda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay Magacaabistii Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Warbixinta kasoo baxday Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan qaabka cadaalada leh ee loo qeybiyay Golaha Wasiirada.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu Golaha u magacaabay hanaan ka duwan Xukuumadihii hore.

Waxaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo u muuqda isbedel doon, waxaana warbixinta lagu cadeeyay in Dowlada Mareykanka ay garab istaagi doonto Somalia.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay tahay magacaabistii uu sameyay Ra’isul wasaare Kheyre in ay tilaabo cad u tahay midnimada iyo sidoo kale hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay Gole Wasiiro oo uu sheegay inuu kusoo xushay karti iyo howl-karnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News