MAREYKANKA oo qaaday tallaabo xasaasi ah oo ka dhan ah TURKEY + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabatayn kusoo rogtay ugu yaraan afar shirkad oo fadhiggoodu yahay Turkey, kuwaas oo ay sheegtay inay jebiyeen xayiraadaha Mareykanka ee saaran Ruushka, islamarkaana ka caawiyeen dagaalka Ukraine.

Waa tallaabadii ugu cusleyd ee Mareykanka uu qaado ee ka dhanka ah Turkey, tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine.

Shirkadaha xayiraadaha la saaray ayaa waxaa ku jira mid ka shaqeysa elektoroonik iyo kuwa ganacsiga taknoolajiyadda, waxaana lagu eedeeyey inay gacan ka gaysteen gudbinta badeecado la xanibay.

Afarta shirkad ayaa ka mid ahaa 120 shirkadood oo Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay xayiraado kusoo rogtay.

Washington iyo xulufadeeda ayaa xayiraado culus kusoo rogay Ruushka kadib duulaankii Ukraine, hase yeeshee xarumo ganacsi oo ay ka mid yihiin Turkey, Hong Kong iyo Imaaraadka Carabta ayaa u furnaa.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in xayiraadaha lagu beegsaday shirkado iyo shaqsiyaad ka tirsan qeybaha ganacsiga badda oo “xiriir la leh Ruushka ama ay leeyihiin Ruushka.”

“Waxaa loola jeedaa digniin ku aadan dhaqan-gelinta xakameynta dhoofinta,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey weli kama jawaabin xayiraadaha Mareykanka, kuwaasi oo yimid kahor bil doorashada taariikihiga ah ee Turkey ka dhaceysa bisha May.

Turkey oo xubin ka ah NATO ayaa isku dayday inay xiriir wanaagsan la lahaato Moscow iyo Kyiv labadaba intii uu socday dagaalka.

Waxay mabda’ ahaan kasoo horjeesatay xayiraadaha Reer Galbeedka, hase yeeshee waxay sheegtay inaan lagu jebin doonin Turkey, islamarkaana agabka militariga Ruushka aan dalkeeda la marin karin.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay xayiraadda saartay shirkadda Azu International ee Turkiga, oo jibka computer-ka ee dibedda laga keeno u dhoofisa Ruushka.

Waxay sidoo kale xayiraad saartay Dexias oo ah shirkad ganacsi oo sheegtay inay wakiil dhex-dhexaadiye ka tahay shirkadaha Ruushka ee xayiraadda la saaray.

VOA + REUTERS