Mareykanka oo dhisanaya garoon diyaaradeed oo ku yaalla Koonfurta Somalia

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa malaayiin dollar ku bixineysa dhismaha mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ku dhwaaqday in lacag gaareysa 12.3 milyan oo dollar ay ku abaal-marisay shirkad fadhigeedu yahay gobolka North Carolina oo lagu magacaabo URS Group, taasi oo fulin doona dayactir deg deg ah oo lagu sameynayo dhabbaha diyaaradaha ay ku ordaan ee garoonka Balli Doogle ee goblka Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay sheegtay in dayactirka uu ku jiro in si qoto dheer loo dhiso dhabbaha, si ay u fududaato howlgallada ee diyaaradaha ku samaynayaan garoonkaas.

Dhismaha garoonka ayaa la filayaa in lasoo geba gebeeyo bisha September ee sanadda 2019, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhabbaha garoonka Balli Doogle ayaa dhererkiisu dhan yahay 3.2 km, waxaana sanadadiihi toddobaatamaadkii loo dhisay ciidamadii milatariga Soomaaliya, oo xilligaas taageero ka helayey Midowga Soviet ama Ruushka.

Garoonka ayaa waxaa hadda isticmaala, oo deggan ciidamada Mareykanka ee howl-gallada ka fuliya Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Amisom, oo ayna wehliyaan ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya ee dowladda Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com