Weerar lagu dilay ajaanib oo ka dhacay BOOSAASO

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow caawa ah nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar ka dhacay magaalada Boosaaso lagu dilay 4 Ruux oo u dhashay dalka Ethiopia.

Dilka oo si gaara uga dhacay xaafada Saantoos oo ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa waxaa geystay dhalinyaro ku hubeysnaa qoryo oo rasaas ooda uga qaday.

Afartan qof oo hal meel lagu dilay ayaa si gaara uga soo jeeday qowmiyada xabashida waxaana lasoo sheegayaa in xiliga dilkooda ay ahaayen kuwo wada shaahayey.

Weerarka lagu dilay ajaaniibta ayaa waxa uu khasaaro dhaawac kasoo gaaray dad kale oo ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka.

Kooxihii ka dambeeyay dilalka ayaa sidoo kale goobta isaga baxsaday inta aysan gaarin ciidamada amaanka oo ku baxay rasaasta.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadal dilka Afartan ruux ee ajaaniibta ah waxaana aad looga cabsi qabaa in dilkaasi uu ka dhashay aanooyin daba dheeraada.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkan ahaa mid aan wanaagsanayn, waxaana sii kordhaaya dilalka isdaba-jooga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com