Xog: R/W Kheyre oo Shariif Xasan u yaboohay heshiis ka kooban laba QODOB.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku gacan seeray yabooh heshiis oo kaga yimid ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, si uu uga soo goostay golaha iskaashiga maamul goboleedyada Soomaaliya, ee dowladda u kacsan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu Shariifka u bandhigay heshiis ka kooban labada qodonb oo midka koowaad uu yahay in dowladda Soomaaliya ogolaaneyso inuu muddo sanad ah ku darsado xilka, ayada oo doorashada maamulka Koonfur Galbeed dib loo dhigayo illaa bisha November ee sanadda 2019.

Doorashada ayaa waxaa iminka la qorsheeyey bisha November ee sanadkan.

Waxaa sidoo kale yabooha qeyb ka ahaa shixnad lacageed, oo aan la shaacin in ta ay la eg tahay oo dowladda Soomaaliya ay u ballan-qaad Shariif Xasan. Labadan qodob ayaa la sheegay in dowladda dooneysay in Shariifka uga soo jarta isbaheysiga maamul goboleedyada.

Si kastaba, Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu ku gacan seeray yabooha dowladda, waxaana ilo-wareedyo ku dhow isaga ay shaaciyeen inuu diyaar u yahay inuu doorasho galo, isaga oo ku kalsoon inuu ka guuleysan karo musharaxiinta la loolamaya.

Dowladda oo horey isbaheysiga madax goboleedyada uga saartay madaxweynehaa HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa rumeysan inay u baahan tahay ugu yaraan laba ama saddex madaxweyne inay usoo go’an dowladda, si ay u burburiso isbaheysigan.

Waare ayaa qaatay laba milyan oo dollar, oo ay bixisay dowladda Qatar, waxaana sidoo kale loo sameeyey ballan-qaadyo kale oo taageero oo bil kasta uu heli doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com