KHEYRE oo turxan bixiyay mugdi ku jiray qabsoomida doorashada Somalia 2020

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa daboolka ka qaaday in madaxda Soomaalida ay si rasmi ah isugu raaceeb habka ay dhaceyso doorashada 2020-ka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay isla garteen in ay muhiim tahay in doorashada Somalia ee 2020 ay u qabsoonto wadada loo jideeyay.

Khayre ayaa wuxuu sheegay iyada oo aan la heysan taageero mug weyn oo caalamka ah ay Soomaaliya u diyaar garowday inay isku raacdo hab doorasho oo dalka ka dhacda 2020-ka.

“Haddii aan isku raacnay doorashada 2020 adduunka isagaa muujinaya isgarabtaag, waxaa muhiim ah inaan naloo tilmaamin danaheena”

“Waxaanu heysanaa ujeedooyin cad cad oo aan ku mideysanahay, doorashada 2020 waxan isku raacnay hab doorasho oo dalka ka dhacda, annaga oo horumarin ku wadna sharciga doorashada”

Kheyre waxa uu sheegay in dowlada Somali ay si dhaba u daadihin doonto doorashada waxa uuna ku celcelshay in doorashada aysan dhaafi doonin xiligeeda, isagoo intaa raaciyay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah.

“Ma jirto sabab ilaa iyo hadda loo qaban waayo doorasho nin iyo codkii, waanu awoodnaa waana qabaneynaa doorasho nin iyo codkii ah”

Sidoo kale, Kheyre ayaa carab dhabay in dowlada Somalia inta badan ay u diyaar garowday  doorashada nin iyo codkii waxa uuna ka digay in dhinacyada wanaaga kasoo horjeeda ay qaab khaldan u dhigaan wanaaga dowlada.

Haddalka Ra’isul wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili Beesha Caalamka ay shaki ka muujinayaan in Somalia ay ka dhici karto doorasho nin iyo codkii.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com