AFDUUBKA caruurta oo ku soo badanaya MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusii kordhaya afduubka loo geysanayo carruurta iyo dhalinyarada da’da yar.

Afduubka ka bilowday magaalada Muqdisho ee lagu hayo da’ yarta ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka ku nool degmooyinka Gobalka Banaadir.

Dadka lagula kaco afduubka ayaa intooda badan laga kaxeystaa goobaha cibaadada, Ganacsiga iyo banaanka kore ee guryaha, waxaana falkaasi geysta dad ku socda Mooto nooca loo yaqaan Bajaaj.

Degmooyinka ugu badan ee afduubka uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah Warta-nabada, Dharkiinley iyo Wada jir, inkastoo maamulada gacanta ku haya degmooyinkaasi aysan ahmiyad siin ilaalinta shacabka ku hoos nool.

Sidoo kale, degmooyinka qaar ayaa xilliga habeenkii ah waxaa laga mamnuucay in ay maraan Mootooyinka loo yaqaano bajaajka, maadaama ay korortay afduubka loo geysto dhalinta.

Maalmo un ka hor ayey aheyd markii wiil da’diisa lagu khiyaasay 11 sano jir lagu afduubtay xaafada Xamar Jadiid ee Degmada warta-nabada ee Gobalka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho oo bilo ka bogsatay falalka ceynkaan ah ayaa iminka u muuqaneysa mid mar kale marti galineysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com