R/W Kheyre oo u hanjabay mas’uuliyiin ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaayay barnaamij loogu magac daray daah furnaanta maaliyadeed ee dalka ayaa u digay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiinta isku daya inay ka dabatagaan shaqsiyaadka u xiran musuq-maasuqa.

Ra’isul wasaare Xasan Cali ayaa daahfurka barnaamijka ka sheegay in xukuumadiisu aysan u dulqaadan doonin in dad Soomaaliyeed ay xabsiyada ugu daba tagaan dadka u xiran arrimaha la xiriira masuq maasuqa.

“Anagu ma aqbaleyno inaad faragalisaan shaqsiyaadka u xiran musuqa, dowlada ayey u xiran yihiin iyada ayaana looga danbeynayaa howshooda”

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu faray hay’addaha ammaanka iney xabsiga dhigaan maxkamadahana u gudbiyaan cid walbo oo lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq.

Kheyre, waxa uu xusay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin wax isdaba marin iyo in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ah.

Waxa uu intaa raaciyay in Hay’adaha amniga ay mar u qabaan inay xiraan isla markaana la xisaabtamaan xitaa mas’uuliyiinta isku dayeysa inay marmarsiyo u sameeyan kiiska loo heysto kuwa musuqa dhanka ka dhigtay.

Waxa uu carab dhabay in ay jiran dad Soomaaliyeed oo doonaya in qof dambiile ah ay ku soo daayaan qaab qabiil, balse arrintaasi aysan aqbali doonin.

Dhinaca kale, mas’uuliyiint ayuu ugu baaqay inay ka fogaadan inay booqdan ama isku dayaan in kiiska danbiilayaasha dafiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com