Qaar ka mid ah ilaalada R/W Xasan Cali Kheyre oo shaqada laga eryay, Sababta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shaqada laga eryay qaar kamid ah Ilaalada gaarka ahaa ee Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Ilaalada shaqada laga eryay ee la socday Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsanaayen qeybta dharcadka ee gaarka ah, waxaana lasoo sheegayaa in shaqadooda ay ku waayen muran dhexdooda ah.

Muranka ay shaqada ku waayen ayaa la xaqiijiyay inuu salka ku hayo is qabqabsi ka dhashay cida noqon laheyd madaxa amniga dharcada la socta Ra’isul wasaaraha taa oo soo dadajisay shaqo ka eryinta shaqsiyaadkas.

Xubno kamid ah shaqsiyaadka la eryay ayaa damac ka galay xilka uu hayo Madaxa amniga Ra’isul wasaaraha, iyadoo goortii lagu fahmay laga eryay shaqada.

Xilka leysku hayo ayaa waxaa horay u faarujiyay madaxii amniga Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre Ayuub Cali Farey oo goostay xili uu kamid ahaa wafdi dibadda u raacay Ra’isul wasaaraha.

Xogtu waxa ay muujineysaa in ilaaladaasi iminka lagu wareejiyay xarunta dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, halkaa oo ay ka shaqeyn doonaan maadaama ay waayen shaqadooda.

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo dacwad ku saabsan eryinta Ilaalada la gaarsiiyay ayaa ka gaabsaday inuu faragalin ku sameeyo howsha ka socta xafiisyada ka hooseeya ee ka shaqeeya amaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka la kordhiyay tirada Ilaalada dharcada ah ee lasocta Ra’isul wasaare Kheyre, kadib markii lagu biiriyay xubno hor leh oo laga soo kala xulay Hay’adaha amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com