Koonfur Galbeed oo noqon doonta halbeegga guusha dowladda FARMAAJO.!!

Sida laga wada dharagsan yahay, bisha dambe doorasho ayaa ka dhici doonta Koonfur Galbeed, oo waxaa dhammaaday waqtigii madaxweyne Shariif Xasan. Doorashadan waxa ay wajiyo badan u leedahay dowladda federaal-ka ah ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabduulaahi Farmaajo.

Doorashada waxa ay ku soo aaday xilligii ugu fiicnaa ee ay dowladda dhexe rabi lahayd maadama bil laga joogo goortii ay maamul gobolleedyadu xidhiidhka u jareen dowladda dhexe, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale doorshada kuma koobna Koonfur Galbeed oo waxaa iyaguna doorasho gali doona Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmadug, inkasta oo qaarkood ay naga xigaan bilo. Hase ahaatee, halbeegga guusha Nabad iyo Nolol waa doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed sababaha hoose dartood.

1 – Awoodda Axmed Madoobe oo daciifi doonta

Haddii dowladdu ku guuleysato xaqiijinta in doorashada Koonfur Galbeed looga adkaado Shariif Xasan, uuna ku soo boxo hoggaamiye iyada daacad u ah ama danta qaran ka shaqeeya waxa ay fursad fiican u heli doontaa sidii ay meesha uga saari lahayd Axmed Madoobe oo qudhiisa culuys iyo kacdoon bulshada reer Jubbaland ah la daalaa dhacaya. Sababtu waxay tahay dowladdu waxay heli doontaa kalsooni ay doorashada Jubbaland ku faro-gelin karo, una xaqiijin karto in Axmed Madoobe uusan ku shuban.

2 – Puntland oo go’doon siyaasadeed filan karta

Hadii ay dowladdu ku guuleysato doorashada Baydhaba, sida kor ku xusan waxa ay fursad u heli doontaa in ay is bedel ka sameyso Jubbaland, taas oo go’doomin siyaasadeed ku keeni karta Puntland – waa haddii uu Gaas waqtiga dheereysto ama soo booxo hoggaamiye ku aragti ah. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe oo meesha ka baxa, waxay burburin doontaa isbaheysiga dowlad goboleedyada ee hadda awooddooda ku xiran tahay iskuduubnidooda. Si kastaba, haddii uu soo boxo mid ka duwan oo danta qaran u jan jeera, waa guul weyn oo dowladnimada u soo hoyatay.

3 – Hir-Shabeele iyo Galmudug waxay arki doonaan tusaale.

Haddii ay dowladda u hir-galaan labada qorshe eek or ku xusan, maamullada ka taliya GalMudug iyo HirShabelle, waxa ay ku noqon doontaa Weysha gowrac, dibgiga ha ku quustee. Guusha ay dowladda ka gaadho Koonfur Galbeed ee dhabbaha u xaartay guulaha kale ee Jubbaland iyo Puntland, cibro qaadasho ayey ugu filnaan doontaa labada Maamul ee GalMudug iyo HirShabeelle. Waxaa xusid mudan in labadan maamulba ay ka tabardarran yihiin maamullada kale marka la eego in si fudud lagula tacaali karo, waayo waxay ka kooban yihiin beelo badan oo is-diidan, oo haddaba madaxdooda qaar ka mid ah ayaa dowladda raacsan, ha ku timaado hab beeleed ama mid dan shaqsiyeedba.

W/Q: Mustafa Ahmed Suleymaan
Boorama, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid