DFS oo sabab yaab leh u joojisay ka ganacsiga dawo aad looga isticmaalo dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa si rasmi ah u joojisay ka ganacsiga daawada loo isticmaalo cudurka TP-da oo saa’id loo kala iibsado.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Somalia Fawsiyo Abuukar Nuur, oo soo saartay amarka lagu mamnuucay isticmaalka daawada ayaa sheegtay in cudurka TP-da uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah.

Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOA-da daawooyinka laga ganacsado ee TP-da ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan.

“TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka.

Wasiiradu waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Somalia ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado.

Sidoo kale, waxa ay sheegtay in isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan isla markaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xustay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com