Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.
Duqeyntan ayaa ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay taliska AFRICOM.
Taliska Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Daacish ee gudaha Soomaaliya.
“Waxaan sii wadi doonnaa howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa ku sugan dibadda.”
Sidoo kale taliska ayaa xusay in aan la shaacin doonin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta cutubyada iyo qalabka loo adeegsaday duqeyntan, si loo ilaaliyo amniga howlgallada socda.
Duqeyntan ayaa kusoo beegantay xilli ay Puntland hoos u dhigtay howlgalladii ka socday buuraha Calmiskaad ee lagula dagaalamayay Daacish, kadib markii halkaas laga saaray ciidamadii kula dagaalamayay kooxda.
Maamulka Puntland ayaa aaminsan in tiro yar oo ka tirsan Daacish ay ku go’doonsan yihiin buuraha Calmiskaad, isla markaana laga jaray sahaydii ay ka heli jireen dad si qarsoodi ah ugu gudbin jiray raashin iyo xoolo.
Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish, waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay in ka badan 700 dagaalyahan oo ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, iyadoo Soomaalida ku naf waayay howlgalka ay ahaayeen tiro kooban.
Kooxda ayaa howlgallo looga xoreeyay deegaanno hor leh, iyadoo maamulku ku andacooday in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badnayd ee dagaalyahanno ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

