Mareykanka oo duqeyn ku dilay saraakiil Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 10-kii bishan ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay qaaday kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayna ku beegsatay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo 71 kiilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Taliska soo soo saaray qiimo hordhac ah oo ku aadab weerarka ayaa sheegay inay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ku sugnaa goobta la duqeeyay, baose ma shaacin magacyadooda.

Sidoo kale AFRICOM ayaa intaasi kusii dartay in warbixintooda ay ku xaqiijiyeen in wax khasaare ah uusan gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka la duqeeyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo Ugunji iyo agagaarkeeda si wayn looga dareemay weerarka uu fuliyay Mareykanka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Mareykanka.

Washington ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee ka qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale tababar iyo taageero ay siisaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka ka dhacayay weeraro is daba joog ah oo lagu beegsanayay maleeshiyaadka Al-Shabaab.