Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Xasan Nuur Cabdi

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin muddo la raadinayay oo ku eedaysan dil ka dhacay sanadkii hore degaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Deeq Khaliif ayaa muddo lagu raadjoogay, ayada oo ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhigay, waxaana loo haystaa inuu geystay dilka Xasan Nuur Cabdi kaasi oo bishii Juun 2023 ka dhacay degaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

Intii uu baxsadka ka ahaa cadaaladda, ayaa waxa uu ninkan ku dhuumaaleysanayay deegaanada xaduudaha ee u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland iyo DDS, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo maanta qoraal soo saaray.

“Eedaysanahaan oo aan muddo ku raadjoognay ayaa la soo qabtay, taas oo ku timid iskaashiga amniga ee aan leenahay maamulka iyo ciidamada Galmudug, iskaashigaas oo markasta u baahan in la xoojiyo si aan isaga kaashano wax kasta oo wax u dhimaya amniga labada deegaan sidda argagixisad, tuugada, gacan ku dhiiglayaasha IWM,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u mahad -celinayaa Allaha noo fududeeyay soo qabashada eedaysanaha, waxaan marka labaad u mahad-celinayaa anoo ku hadlaya guud ahaan afka gobolka maamul ciidan iyo shacab maamulka iyo ciidamada booliska ee Galmudug.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahad-celiyay taliyaha qayta booliska Galgaduud Farxaan iyo maamulka Booliska degmada Caabudwaaq oo uu sheegay in ay ka caawiyeen soo qabashada eedaysane Cabdul Deeq khaliif oo ku eedaysan dilka Xasan Nuur Cabdi oo bishii juun 2023 uu ku dilay degsiimada Xero.

Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey iskaashiga ay leeyihiin, si loo adkeeyo nabadda ka jirta deegaanada gobolka Mudug.