Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay is mari-waaga u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ka wada-hadlaya xaaladda cakiran ee dalka.
Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa marka hore labada dhinac ku boggaadisay hannaanka wadahadalka, iyada oo kadib ka dalbaday in ay isu tanaasulaan, si ay u guuleystaan wada-hadallada socda.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu muujiyay in wadahadalka uu adag yahay, balse loo baahan yahay in la xoojiyo bisaylka siyaasadeed ee lagu gaari karo natiijada miro-dhal ah.
Waxaa kale Mareykanku sheegay in dhinacyada wada-hadalka looga fadhiyo inay heshiiyaan, soona saaraan go’aano wax ku ool ah.
Mareykanka ayaa xusay in beesha caalamu ay kor kala socoto sida ay wax u socdaan, isla markaana ay sugayaan natiijada muhiimka ah ee wadaxaajoodka.
“Wada-hadalka iyo isu tanaasulku waa adag yihiin balse waa lama huraan, waxaana ku dhiirrigelinaynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan ku dadaalidda arrimahaas. Geeddi-socod siyaasadeed oo Soomaaliyeed oo mideysan wuxuu ka hortagaa argagixisada, xoojiya dowladnimada, isla markaana hormariyaa waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.
Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo isgoys adag ay gaareen wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, taas oo keentay in illaa hadda aan la gaarin wax heshiis ah.
Barta ugu weyn ee is-mari-waaga dhaliyay ayaa ah nooca hannaan doorasho ee dalka lagu hagi doono. Dowladda Federaalka ayaa si xooggan u riixaysa in meesha laga saaro nidaamka doorashada dadban ee ku dhisan hab-qaybsiga qabiilka, kaas oo dalka soo hagayay tobannaankii sano ee la soo dhaafay.
Taa beddelkeeda, dowladda ayaa doonaysa in loo guuro nidaamka “qof iyo cod”, iyadoo ku doodayso in tallaabadani ay tahay dhabaha kaliya ee looga gudbi karo nidaamka beelaha, loona jiheysan karo dimoqraadiyad toos ah.
Si kastaba ha ahaatee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay qabtaan shir jaraa’id, oo ay shaacinayaan waxyaabaha keenay in natiijo la’aan noqdaan wada-hadalladii ka dhacay Villa Soomaaliya.


