Mareykanka oo hal arrin uga digay Israel xilli ay dooneyso in ay ka jawaabto weerarkii Iran

New York (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku booriyey Israa’iil inay is xakamayso, islamarkaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto.

Soo jeedinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheegtay inay qaadayso tallaabo aargudasho oo ay uga jawaabayso weerarkii ay Iran ku qaaday dalkeeda.

“Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonaynaa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo iyo in aan ilaalino danahayaga gobolka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Mr. Blinken ayaa hadalkaan sheegay xilli uu la kulmayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ciraaq Maxammed Cali Tamim.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada ee dagaalka, taasi oo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.

Waxaa isa soo taraya cabsida la xiriirta in weerarkii jawaab-celinta ahaa ee Iran inuu albaabka u furo dagaal ballaaran oo dhex-mara Israa’iil iyo Iran, islamarkaana ku baaha gobolka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Netanyahu in Mareykanku ka qayb qaadanayn weerar kasta oo rogaal celin ah oo ka dhan ah Iran.