Mareykanka oo howlgal ku dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa fuliyay howl-gal milateri oo lagu dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Suuriya, sida uu shaaciyay taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM).

Howl-galkan milateri oo shalay uu Mareykanka ka fuliyay gudaha Suuriya ayaa waxay noqoneysa dharbaaxadii ugu dambeysay oo soo gaartay koox mar cabsi ka abuurtay bariga dhexe.

Khalid ‘Aydd Ahmad al-jabouri ayaa mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarrada ISIS ee Yurub, isaga oo casriyeeyay qaab-dhismeedka hoggaanka ISIS, sida lagu lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Toddobaadkii hore, wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in Ruushku uu ka mudaaharaadayay isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Ruushka ayaa waxa uu ku tilmaamay “falalka daandaansi ah” ee ciidammada qalabka sida ee Maraykanku ka wadaan Suuriya.

Ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarkan, sida uu sheegay taliska CENTCOM.

Waxa uu intaas ku daray taliska dhexe ee Mareykanka in kooxdu “ay sii waddo inay matasho khatarta gobolka iyo meelo ka baxsan”.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6 ay howl-gal qorsheysan ku dileen gudaha Soomaaliya Bilal al-Sudani.

Al-Sudani ayaa kamid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, islamarkaana saameyn xooggan ku lahaa howl-gallada kooxda.

Mareykanka ayaa xilligaasi sheegay in al-Sudani uu soo gaaray inuu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, iyada oo markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.