Maxay ka dhigan tahay in GUULEED loo magacaabo ergayga SOMALILAND?

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah siyaasiyiinta ugu macnaha badan Soomaalida ayaa loo magacaabay ergayga dowladda federaalka u qaabilsan arrimaha Somaliland.

Guuleed oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada ayaa markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah.

Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay wax horumar ah lagama sameyn wada-hadalada Somaliland, inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib ugu xusho howshaan isla Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dadka qaar ku fasireen qirashada in Guuleed uu guul wax ku ool kasoo hooyay wejigii hore ee wada-hadaladii uu hormuudka u ahaa.

Xulashada in Guuleed ku haboon yahay booskan ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dadka arrimahaan faaqidaya waxay leeyihiin guuleed xasaasiyad badan kama qabto Somaliland, waana sababta caawisay doorkii hore, haddana abuureysa rejada labaad.

Midnimada waa mawduuc weyn, Somaliland waxay tirsaneysa nabaradii 1988 laakiin Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu ku jiraa siyaasiyiinta fara ku-tiriska ah ee aaminsan in la xalin karo tabashooyinka Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu aaminsan yahay in Somaliland looga garaabo tacadigii iyo dhibaatadii ay u geysatay dowladdii kacaanka, oo iyadu ku dhibaateysay awooddii qaranka, sida uu ka sheegay fagaarayaal dhowr ah.

Sidoo kale waxa uu qaba in aan marnaba Somaliland lagu go’doomin midnimo diidmada, ee laga shaqeeyo horumarkeeda, si lamid ah dalka inta kale ee dowladda federaalka ay masuuliyad uga saaran tahay, “Nabada, xasiloonida iyo horumarinta Somaliland waxaa naga saaran masuuliyad sida dalka kale inta kale masuuliyad nooga saaran tahay.”

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland oo isagu ah nin xogagaal u ah wada-hadal dowladda federaalka iyo Somaliland iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa waxa uu dowladdii hore ku dhaliili jiray hanaanka ay u wajahday qadiyada Somaliland, oo uu sheegay inaysan wax isbedel ah ka sameyn meeshii ay soo gaarsiiyeen.

“Wada-hadaladii aan daadihinayay in guulo waaweyn laga garay oo guusha waxaa u horeysa kalsooni abuur, taasina waa abuurnay,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed oo maanta markale looga fadhiyo sii amba-qaadka geedi socodka wada-hadalada muddada dheer hakadka ku jiray, maadama loo magacaabay ergayga arrimaha Somaliland.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.