Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xero ku taalla Ruun-Nirgood + Khasaaraha

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay maanta weerar gaadmo ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay xero ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana khasaare soo kala gaaray, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in la iska caabiyay Al-Shabaab.

“Qolada nabad diidka ahaa waxa ay sameeyeen weerar gaadmo ah ayay ku sameeyeen ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda, marka waana laga hortegay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in khasaare xoogan la gaarsiiyay xubnaha weerarka soo qaaday, dhankooda ay ka dhinteen laba askari oo kamid ahaa ciidanka deegaanka.

“Khasaare iyaga ayuu ku gaaray dad badan ayaa ka dhintay, annaga weerarkaas laba wiil ayaa nooga dhintay oo geesiyaal ahaa Allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ay haatan wadaan howlgallo lagu baadi goobayo xubnaha weerarka soo qaaday, isla-markaana ay xaaladdu degan tahay.

“Waa la daba kacay, haddana waa la daba joogaa, waa ku guul darreysteen isku daygii ay sameeyeenm” ayuu markale yiri guddoomiyuhu

Ruun-nirgood oo dhowaan soo gashay gacanta dowladda ayaa waxaa todobaadkii hore weerar ku billowday qaraxyo ka fulusay Al-Shabaab, kaas oo khasaare badan geystay.