Xaaladda Soomaalida dalka Koonfur Afrika oo weji cusub yeelatay iyo halis soo korortay

Cape Town (Caasimada Online) – Xaaladda adag ee ay wajahayaan ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa haatan yeelatay weji cusub, ayada oo ay soo korortay halis kale oo ay wajahayaan Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkaas.

Soomaalida ayaa markii hore lagu hayay dhac, dhaawac iyo dil ay kala kulmayaan burcad Koonfur Afrikaan ah, balse waxaa haatan soo kordhay afduub loo geysanayo Soomaalida.

Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hoggaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika ayaa ka faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinka afduubka ee lagu hayo ganacsatada Soomaalid ah

“Xaaladda si kale ayay isku bedashay, waxaana soo kordhay afduub,” ayuu yiri Ceyraduus Cilmi oo kamid ah hogaanka Jaaliyada Soomaalida Koonfur Afrika.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maalmihii u dambeeyay laba afduubtay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ahaa ganacsade dukaankiisa laga watay laba caruur oo Soomaali ah, kuwaas oo iyaga oo iskuul u socday waddada laga afduubtay.

Ceydaruus ayaa xusay in afduubayaasha ay qaadanayaan lacag madax furasho ah, isla-markaana ehellada dadka ay ku dhacday arrintaasi ay bixiyeen madax furasho.

“Afduubkani waa dhicii hore oo la casriyeeyay halkii ganacsiyadooda Soomaalida loogu tegi jiray inta sanadkan 2023-ka waa markii labaad,  muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa ayaa laga afduubay goobta ganacsigiisa muddo ka bacdina waa lasoo sii daayay hadda arrin ugu daran waxa ay tahay Soonkii kahor inyar ayaa waxaa dhacday ganacsade Soomaaliyeed ayaa laba wiil uu dhalay oo iskuulka u socday waddada laga kaxeystay , lana afduubtay, illaa iyo haddana waa la la’yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ceydaruus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in waxa geysanayaa dhibaatooyinkaas ay yihiin kooxo burcad Afrikaan ah, ayna yihiin kuwii horay dhaca iyo dila ku hayay Soomaaliyda.

“Waa burcad Koonfur Afrikaan uun oo qofka kaxeysaneyso oo afduubeysa wax kale oo caddeyn ah lama haayo oo aan aheyn inay Koonfur Afrikaan afduubanayaan” ayuu yiri.

Si kastaba, arrintan ayaa walaac ku abuurtay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Galbeed, maadaama ay wajahayaan xalad adag oo amni darro ah.