Sawirro: Safiirka Ethiopia oo la kulmay madaxda sare ee Somaliland kadib fashilkii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Amb. Delil Kedir Bushra ayaa shalay la kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Kulankan ayaa waxaa wasiir Kaahin ku wehlinayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu udaarna isbarasho iyo soo dhaweyn wasiirku u sameeyay Amb. Delil Kedir, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Labada masuul ayaa sidoo kale waxay kulankooda uga wada-hadleen xaaladda nabad-gelyo ee Somaliland, xilli ay Laascaanood ka taagan tahay xiisad colaadeed, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

“Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Safiirka warbixin ka siiyey Nabad-gelyada buuxda ee ka jirta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horuumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabad-gelyada,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulankaan.

Safiirka cusub ee dowladda federaalka Itoobiya ayaa ugu dambeyntiina uga mahadnaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha soo dhowaynta uu u sameeyey.

Kulanka Safiirka Itoobiya iyo madaxda Somaliland ayaa imanaya xilli ay fashilmeen dhex-dhexaadin garwadeen ay ka aheyd Itoobiya, oo la rabay in xal looga gaaro colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dadaallada Itoobiya ayaa waxay horumar ka sameyn waayeen labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, “dadaallada Itoobiya ayaa u guul-dareystay kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya,” kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan.

Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaas god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.