PUNTLAND oo ka hortimid khidmad ay soo rogtay DF

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hortimid khidmad ay dowladda Federaalka kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ka howlgala, xilli xiisadda labada dhinac ay sii korortay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyey mowqifka Puntland ee la xiriira xeerarka isgaarsiinta iyo khidmada dheeraadka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraalka ayaa lagu sheegay in Puntland aysan quseyn xeerka la xiriira Isgaarsiinta iyo khidmadaha hirarka ee ay Dowladda Soomaaliya si iskeed ah go’aan uga gaartay.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu yiri “inta laga gaarayo heshiis la xiriira dhaqaalaha, Puntland waxa ay ku dhaqmeysaa dastuurka Puntland iyo xeerka isgaarsiinta iyo canshuuraha Puntland”.

Go’aanka maamulka Puntland ayaa yimid, iyadoo dowladda Federaalka ay hirgelineyso qorshaha khidmadda cusub, waxayna arrintan qeyb ka tahay khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo meeshii ugu xumeyd gaaray Janaayo 2023.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Si kastaba, go’aankan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay caro uu madaxweyne Saciid Deni ka qaaday in shaqsiyan iyo Puntland ay waayeen xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.