Warbixin shaacisay tirada dadkii qaraxyada Soomaaliya ku dhintay sannadkii 2022

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka dhasha qaraxyada miinooyinka ah ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aad u kordhay sanadihii lasoo dhaafay.

QM oo warbixinteeda ku soo beegtay iyada oo maanta la maamuusayo maalinta loogu talagalay in la sameeyo wacyigelinta miinooyinka iyo in la dhiirrageliyo soo saaristeeda ayaa shaacisay tirada dadka ku dhintay ama kuwa ku dhaawac miinooyinka ee 2022-ki

Warbixintaan ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya sanadkii tagay 2022-kii ay wayxeello gaarsiisay ,iino in ka badan 1,200 oo qof oo dhimasho & dhaawac soo gaaray, ayada oo warbixinta lagu sheegay in loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin guud, si loo soo afjaro halista taagan ee Miinooyinka iyo haraadiga walxaha qarxa.

Qoraalkan oo ay soo saartay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa wacyigelinta bulshada iyp dhiirragelinta kooxaha miinooyinka soosaara.

“Marka laga eego tirada dadka ku wax-yeelooba ama baaxadda culayska dhaqaale, khasaaraha ay dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed kala kulmaan khatarta ka dhalan karta walxaha qarxa waxay ku kacaysaa qiimo aad u sarreeya oo aan la xamili karin. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa si joogto ah uga go’an la-shaqaynta maamullada Soomaaliyeed iyo saaxiibada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah loona kobciyo nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya” ayay tiri Anita Kiki.

Sidoo kale waxa ay boggaadisay doorka kooxaha gurmadka ee ka shaqeeya miino soo saarista, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,

Waa ay sii hadashay waxa ay hadalkeeda sii raacisay: “Maalintan Caalamiga ah awgeed, waxaan si gaar ah u qiraynaa geesinimada iyo heellanaanta hawl-wadeenada ka shaqeeya miino-saarista iyo sida ay uga go’an tahay abuurista jawi amaan ah oo bed-qaba oo ay helaan dhammaan dadka Soomaaliyeed” ayay mar kale qoraalka ku tiri Anita Kiki Gbeho.

Waxaa kale oo ay sii raacisay  “Sannadkii 2022, in ka badan 1,200 rayid Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay ama ku dhaawacnmay walxaha qarxa, oo ay ku jiraan haraadiga walxaha qarha ee ay reebeen daagaalada, miinooyinka iyo walxaha qarxa ee macmalka ah” ayaa la raaciyay bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku badan moonooyina iyo haraadiga walxaha qarxa, kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka degan goobaha looga tegay haraadigaas ee yaalla dalka.