Dagaal mar kale ka qarxay magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) –  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal markale saaka ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa SSC oo roondo waday iyo kuwa Somaliland oo si kadis ah isaga horyimid bariga magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu billowday salaaddii subax kadib, isla-markaana uu soo gaaray illaa 7:00 subaxnimo, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa rasaasta iyo daryanka hubka laga maqlayay meelo ka baxsan aagga lagu dagaalamay.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada SSC ay dagaalkan ku qabsadeen gaari nooca dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.

Sidoo kalekale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha labada dhinac oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay Laascaanood, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan.

Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan.

Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.