Xog: Maxaa kasoo baxay dadaaladdii Ethiopia ee dagaalka Laascaanood?

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan soo fara-gelisay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dadaallada Itoobiya oo socday toban cisho ka badan ayaa waxay horumar ka sameyn waayay labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadaallada Itoobiya ay u guul-dareysteen kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya, kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan.

Isimida SSC oo la kulmay xubnaha ka socday Itoobiya ayaa waxay u sheegeen in miiska wada-hadalka la fariisin karin Somaliland illaa ciidamadeedu ka baxaan gobolka Sool, sida ay ogaatay Caasiamda Online.

Madaxda sare ee Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ku xiray wada-hadal xal looga gaaro xiisadda dagaal ee taagan ay tahay in marka hore la aqbalo in Laascaanood ay ka tirsan tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaan god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

SSC ayaa la sheegay inay ku gacan seyreen inay ka tanaasulaan qadiyada midnimada oo uu dhiig badan ugu daatay gudaha gobolka, halka Somaliland ay dib u qaadista ciidamadeeda ku xirtay in deegaankaas uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland ah.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo ka badan hal bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac.