War-murtiyeed laga soo saaray shir ay yeesheen DF iyo dowlad-goboleedyada oo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhaxeeyay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirka oo socday muddo afar maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ay ka mid yihiin; xoojinta, dardar-gelinta iyo wada-shaqeynta wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha DFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa soo xaadiray wasiirka wasaaradda ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Cabdulqaadi Cabdullaahi Warsame (Galmudug), Cabdiwahaab Axmed Cusmaan (Jubbaland), Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Koonfur Galbeed), Faysal Axmed-weli Xasan (HirShabelle) iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cabdi Calasow. Puntland ayaa ka maqneyd shirkaan.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda Ganacsiga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay isku raaceen in 30 maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka kala imanaya dhinacyada ka qeyb-galay shirkaan.

“Guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta khilaafaadka ku saleysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan-gashan maamuladda kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorsha howleedkiisa soo dhameystiraya kahor daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta Ganacsiyada Soomaaliya.

Qoddobada kasoo baxay shirkaan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay diyaariyaan xeer-nidaamiyaasha sharciga shirkadaha iyo hanaanka loo maraayo diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dib-u-eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.”

Sidoo kale waxay isku raaceen in la bilaabo daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada Soomaaliya saddex bilood gudahood, laguna bilaabo dowlad-goboleedka Jubbaland.

“In ay ka qeyb qaataan dib-u-eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhawaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka kasoo celisay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.”

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: