Wareysi: Dad loo soo qabtay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) –Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dagmadaasi ka billaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka dagmada, kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Baardheere.

Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarkaas, wuxuuna qaraxii shalay dhaliyey khasaare aad u baaxad weyn, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baardheere.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas oo lagu dhuftay guriga Martida ee degmada Baardheere, waxaana burburay isbitaalkii degmada iyo guryo badan.

Sidoo kale weerar kale oo Al-shabaab ay u adeegsadeen qoriga Hoobiyaha ayaa lagu garaacay degmada qaraxaas kadib, waxaana ka dhashay khasaare ka badan kii uu qaraxu geystay.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed-Weli Yuusuf Qorrax oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyey saameynta uu qaraxaasi ku yeeshay dadka reer Baardheere.

“Qaraxa kadib waxaan sameynay howlgallo culus, dad badan ayaa la soo qabtay, waxaana ku socda baaritaan, dadkaan eedeysanayaasha ah waa badan yihiin, qofkii aan dembi laheyna waan siidey doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere ay badankood Muqdisho u soo qaadeen, maadaama uu burburay isbitaalkii degmada.

Sidoo kale Guddoomiye Qorrax wuxuu sheegay in ninka is qarxiyey uu ka yimid banaanka magaalada, isla markaana la arkay oo goobta uu ku qarxay uu gaaray iyadoo la rasaaseynayo.

“Ninkaas wuxuu magaalada ka soo galay wadooyin xaafado badan soo dhexmaray oo dad shacab ah ay degan yihiin, meel fog ayuu ciidanku ka arkay, waa la isku deyey in laga hor-tago oo ciidanku waa dadaalay, balse waxaa u suurta gashay inuu gaaro bartilmaameedkii uu ku qarxi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha degmada Baardheere.

Hoos ka dhageyso wareysiga